

Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Dilay Degmada Dayniile
Muqdisho – Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii toogasho qorsheysan ku dileen mas’uul ka tirsanaa dowladda hoose ee gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa xaafadda Cali Boolay ee degmada Dayniile, magaalada Muqdisho. Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Sheekh Ibraahin Maxamuud (Jiisoow), wuxuuna ahaa Agaasimaha Dalxiiska ee degmada Dayniile. Sida ay wararku sheegayaan, kooxdii…

Mareykanka oo Taageeray Dadaalka Itoobiya ee Raadinta Marin Badeed Nabadeed iyo Diblomaasiyadeed
Addis Ababa – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageertay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto in ay hesho marin badeed, iyadoo adeegsaneysa waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed, sida uu shaaciyay Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga. Safiir Massinga, oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA), ayaa sheegay in Mareykanku uu…

Dadweynaha Garoowe oo Taageero Weyn u Muujiyay Guusha Ciidamada Difaaca Puntland ee Dagaalka Daacish
Garoowe – Kumannaan kamid ah shacabka magaalada Garoowe, caasimadda Puntland, ayaa xalay si ballaaran ugu banaanbaxay fagaaraha weyn ee jidka 30-ka, iyaga oo muujinayay taageero buuxda oo ay u hayaan guusha ciidamada difaaca Puntland kasoo hooyeen hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish. Isu soo baxa oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan…

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland: “Soomaaliya Mar Kale Way Ku Ceeboowday Khariirad BBC Baahisay”
Hargeysa – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si adag uga hadlay khilaaf ka dhashay khariirad ay baahisay hay’adda BBC, taas oo aan Somaliland kaga muuqan sida qayb ka mid ah Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegay in arrintani ay mar kale ceeb ku tahay dowladda Soomaaliya oo si joogto ah uga falcelisa muuqaallo iyo…

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: “Bad La’aanta Itoobiya Waa Nabar Qaran oo aan Bogsan”
Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, ayaa si cad u sheegay in waxa ugu weyn ee uu ka murugoodo yahay in dalkiisu uusan lahayn marin baddeed, taasoo uu ku tilmaamay dhaawac qaran oo weli bogsan la’ iyo midda ugu weyn ee ka hor taagan horumarka iyo nabadda dalka Itoobiya. “Waxaa caloolxumo iyo…

Wasiirka Gaashaandhigga: “Khawaarijta Waa Firxad ku Jira Jahawareer, Dowladda Ayaa Ka Go’an Inay Cirib-Tirto”
Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in kooxda Khawaarijta ay haatan ku sugan yihiin xaalad jahwareer iyo firxad, kadib weerarro culus oo ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanno ay kooxdu ku sugnaayeen. Isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka, Wasiir Fiqi ayaa yiri: “Xilligaan la joogo…

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee GPE ee Paris
Paris, Faransiiska – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ah ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE), kaas oo socday intii u dhaxaysay 2–5 Juun 2025. Soomaaliya, oo ka mid ah 90 dal…

Warbixin: Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Hiiraan
Hiiraan, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka gobolka Hiiraan ayaa waaberigii hore ee maanta qaaday weerar qorshaysan oo dhowr jiho ah kaga yimid dhanka Khawaarijta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku firxanayay dagaalladii ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee hoos yimaada degmada Moqokori. Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanada…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadatashi La Yeeshay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee Diiwaangashan
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee is-diiwaangeliyey, kuwaas oo door muhiim ah ku leh geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyadoo Madaxweynaha uu xisbiyada uga warbixiyay dadaalladii ay dowladihii…

Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiraan
Hiiraan – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Ceel Hareeri, oo hoostaga degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin ay ciidamada Macawiisleydu ku…