XOG: Qodista Shidaalka Soomaaliya
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Aadan, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in qodista ceelka Curad-1 ay hadda gaartay qiyaastii 3,000 oo mitir, isla markaana howshu si degdeg ah u socoto iyadoo aanay jirin wax caqabado farsamo ah. Qorshihii hore ayaa ahaa in qodista la soo gabagabeeyo bisha…
Soomaaliya oo mushaarka ku bixineysa nidaamka aqoonsiga qaranka
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay nidaamka mushaharka shaqaalaha dowladda ku bixiso nidaamka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo shaqaalaha u qalma mushaharka iyo in mushaaraadka si sax ah loo siiyo shaqaalaha dowladda. Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda federaalka inay isku xiraan Nidaamka Mushaharka Dowladda iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee ay maamusho Hay’adda…
Konfur Galbeed oo Hogaamiyaheedii Hore ku dartay liiska argagixisada
Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xogo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qarraxyo is xig xiga. Shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed…
Arimaha burcad badeeda Soomalida oo lagu baaqay in wax laga qabto
Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah lagu hayo gacanta kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka…
Doorashooyinkii Dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu celinayo
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay…
Soomaalida: Burcad-badeed dalbatay $3 milyan si ay sii daayso 10 badmaax oo kasoo jeeda Pakistan
Wasiirka Arrimaha Baarlamaanka Pakistan, Tariq Fazal Chaudhry, ayaa xaqiijiyay in burcad-badeeda Soomaalida ah ay dalbadeen madax-furasho dhan 3 milyan oo dollar, si ay u sii daayaan 10 badmaax oo u dhashay dalkaasi Pakistan oo afduub ahaan loo haysto tan iyo bishii Abriil. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Golaha Qaranka Pakistan, isagoo ka jawaabayay su’aal looga…
Soomaaliya: Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo kobaca dhaqaalaha dalka
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, difaaca iyo dhaqaalaha dalka. Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta xaaladda amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada qalabka sida ka fuliyeen…
AUSSOM iyo Denmark oo ka wada hadlay maalgelinta iyo xoojinta howlgalka Soomaaliya.
Danjire Mouktar Osman Karie, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Ku-simaha Madaxa Hawlgalka AUSSOM, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Safaaradda Denmark ee Soomaaliya. Wafdiga Denmark waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka ahna Madaxa Iskaashiga, Bjørn Rønhof Qvortrup, waxaana sidoo kale ka…
CIIDAMO SOMALILAND AH IYO GADID DAGAL OO U GOSTAY DHANKA MAAMULKA WAQOYI BARI EE SOOMAALIYA
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland oo wata gaari dagaal iyo ciidamo toban gaaraya ayaa u goostay dhanka Maamulka Waqooyi Bari ee dariskooda ah xili waliba uu ku dhawaaqay go’aankiisa intuusan ka bixin dhanka Somaliland.. Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Korneyl Ali Ashkato iyo ciidamadiisa oo fadhigoodu ahaa deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag halkaasoo Somaliland ka…
Dowladda oo ciidamo hor leh geeysay Degmada Ceeldheer
Wararka la helayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed geysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug. Ciidamada halkaa la geeyay ayaa wararku sheegayaan in loogu talo galay inay si ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga degmada oo ay horay u hayeen ciidamada xoogga dalka. Ciidamadan ayaa loo xil…