Soomaaliya: Wasiir Fiqi oo Sheegay in al-Shabaab iyo ISIS awoodoodii la wiiqay

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ku dhawaaqay in kooxda argagixisada ee Al-Shabaab si weyn loo wiiqay awooddooda kadib muddo laba sano ah oo howlgal militari oo ballaaran ay hoggaaminaysay dowladda Soomaaliya, laguna garab socodsiiyay istiraatiijiyado lagu beegsaday dhaq-dhaqaaqyadooda maaliyadeed iyo faafinta afkaarahooda xagjirka ah.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho. Intii uu halkaas ka hadlayay, ayuu ku dhawaaqay in Wasaaraddiisu ay ku deeqayso hal gaari oo siday raashiin qalalan ah oo loogu talagalay taageerada ciidamada ku jira jiidda hore ee dagaalka.

Danjire Fiqi ayaa si adag u sheegay in aysan suurtagal ahayn in kooxda Al-Shabaab mar dambe gacanta ku dhigto dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay si geesinimo leh ugu midoobeen dagaalka lagula jiro kooxdaas. Wuxuu siyaasiyiinta ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagaan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee gacanta ku haya difaaca dalka.

“Ciidamada qalabka sida iyo geesiyaasha macawiisleyda ee garab dagaallamaya, waa tiirarka difaaca dalka. Waxaan Allah uga baryayaa in uu jannada Fardowsa ku galladaysto shuhadada naftooda u huray dalka, caafimaad degdeg ahna siiyo kuwa dhaawaca ah,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed – kuwa dhufeysyada ku sugan iyo kuwa weerarada hoggaaminaya – ay yihiin kuwa xaqa u dagaalamaya, bedqabka shacabka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeedna ay difaacayaan. Wuxuu ugu baaqay bulshada qeybaheeda kala duwan in ay garab istaagaan, si hagar la’aan ahna u taageeraan ciidamadooda.

Hadalkan Wasiirka ayaa imaanaya xilli dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sugidda amniga guud iyo dhismaha hay’ado ciidan oo qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *