XOG: Qodista Shidaalka Soomaaliya

 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Aadan, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in qodista ceelka Curad-1 ay hadda gaartay qiyaastii 3,000 oo mitir, isla markaana howshu si degdeg ah u socoto iyadoo aanay jirin wax caqabado farsamo ah. Qorshihii hore ayaa ahaa in qodista la soo gabagabeeyo bisha…

Read More

Arimaha burcad badeeda Soomalida oo lagu baaqay in wax laga qabto

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah lagu hayo gacanta kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka…

Read More

Soomaalida: Burcad-badeed dalbatay $3 milyan si ay sii daayso 10 badmaax oo kasoo jeeda Pakistan

Wasiirka Arrimaha Baarlamaanka Pakistan, Tariq Fazal Chaudhry, ayaa xaqiijiyay in burcad-badeeda Soomaalida ah ay dalbadeen madax-furasho dhan 3 milyan oo dollar, si ay u sii daayaan 10 badmaax oo u dhashay dalkaasi Pakistan oo afduub ahaan loo haysto tan iyo bishii Abriil. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Golaha Qaranka Pakistan, isagoo ka jawaabayay su’aal looga…

Read More

AUSSOM iyo Denmark oo ka wada hadlay maalgelinta iyo xoojinta howlgalka Soomaaliya.

Danjire Mouktar Osman Karie, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Ku-simaha Madaxa Hawlgalka AUSSOM,   oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Safaaradda Denmark ee Soomaaliya. Wafdiga Denmark waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka ahna Madaxa Iskaashiga, Bjørn Rønhof Qvortrup, waxaana sidoo kale ka…

Read More

Soomaaliya: Madaxweyne Xassan oo aqoonsiyada ka gudoomay safiiro cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo toddobo safiir oo cusub oo dalalkooda u soo magacaabeen Soomaaliya. Safiirrada cusub ayaa ka kala socda dalalka Aljeeriya, Brazil, Hindiya, Mali, Myanmar, Nigeria iyo Pakistan. Danjirayaashaan ayaa  Madaxweynaha u gudbiyeen waraaqaha rasmiga ah ee aqoonsigooda. Danjirayaasha uu…

Read More

Talyaaniga oo Soomaaliya ugu deeqay gawaari gaashaaman 

Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqaysa lix gaari oo gaashaaman oo horey uga tirsanaa ciidanka booliska militariga ee dalkaasi, Carabinieri, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 170 kun oo euro. Wareejinta gaadiidkan ayaa lagu sheegay hindise wareegto ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Talyaaniga, waxaana ansixiyay Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee labada aqal…

Read More

Wasiirka Gaashaandhiga Rwanda oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho: Muqdisho: Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda mudane Marizamunda Juvenal Wasiirka gaashaandhigga Rwanda ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Heshiis kala saxiixday

Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Road Map ka ee 2025, kaas oo lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan. Hagahan ayaa waxaa wada saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay…

Read More