XOG: Qodista Shidaalka Soomaaliya

 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Aadan, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in qodista ceelka Curad-1 ay hadda gaartay qiyaastii 3,000 oo mitir, isla markaana howshu si degdeg ah u socoto iyadoo aanay jirin wax caqabado farsamo ah.

Qorshihii hore ayaa ahaa in qodista la soo gabagabeeyo bisha October, balse Cabdulqaadir ayaa sheegay in xawaaraha hadda lagu shaqeynayo uu horseedi karo in howsha la dhammeeyo bil ka hor waqtigaas.

“Waxaa suurta-gal ah in la dhammeeyo dhammaadka September. October ayaa markii hore loo asteeyay waqtiga la soo gabagabeynayo,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in ilaa hadda aan la diiwaangelin wax shil ah ama cilad farsamo ah, isla markaana howlgalka loo fulinayo si waafaqsan heerarka badbaadada iyo farsamada.

Qiyaastii 470 ilaa 480 qof ayaa ka shaqeynaya markabka qodista iyo maraakiibta kale ee taageeraya howlgalka, iyadoo muwaadiniinta Turkigu ay ka yihiin ku dhowaad 20 boqolkiiba shaqaalaha.

Markabka casriga ah ee qodista badda qotada dheer ee Çağrı Bey ayaa qodista ka wada ceelka Curad-1, oo ku yaalla meel qiyaastii 370 kiiloomitir ka baxsan xeebta Muqdisho.

Qorshuhu waa in qodista laga sii dhaadhaco ilaa 4,000 oo mitir oo ka hooseeya gunta badda, iyadoo guud ahaan ceelka la doonayo inuu gaaro qoto dhan 7,500 oo mitir.

Howlgalkan ayaa ah markii ugu horreysay ee Turkigu howlgal qodis shidaal oo badda qoto dheer ah ka sameeyo meel ka baxsan biyihiisa.

Markabka Çağrı Bey waxaa taageeraya maraakiibta Altan, Korkut iyo Sancar, halka ciidamada badda Turkiguna ay qeyb ka yihiin sugidda ammaanka maraakiibta ku howlan mashruuca.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa bishii Maarso 2024 kala saxiixday heshiis dowladeed iyo is-afgarad ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska, waxaana bishii July xigay heshiis wax-soo-saar wadaag ah oo daboolaya saddex xirmood oo shidaal baaris ah oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Markabka cilmi-baarista seismic-ka ee Oruç Reis ayaa markii dambe xog saddex-geesood ah ka ururiyay dhul-badeed gaaraya 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah oo ka tirsan saddexda xirmood.

Kadib ku dhowaad toddobo bilood oo sahanno iyo falanqeyn xogeed ah, ceelka Curad-1 ayaa loo doortay goobta ugu horreysa ee qodista, kadib markii la helay qaab-dhismeedyo dhuleed oo muujiyay rajo laga qabo jiritaanka shidaal ama gaas.

Çağrı Bey oo lagu dhisay Kuuriyada Koonfureed sanadkii 2024 ayaa dhererkiisu yahay 228 mitir, wuxuuna awood u leeyahay inuu qodo ilaa 12,000 oo mitir.

Natiijada kasoo baxda qodista Curad-1 ayaa door weyn ka qaadan doonta qiimeynta awoodda shidaal iyo gaas ee ku jirta badda Soomaaliya. Haddii qodistu xaqiijiso kayd ganacsi ahaan loo soo saari karo, waxay sidoo kale gogol-xaar u noqon kartaa in iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga uu u gudbo marxalad cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *