Konfur Galbeed oo Hogaamiyaheedii Hore ku dartay liiska argagixisada
Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xogo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qarraxyo is xig xiga. Shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed…