Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Dilay Degmada Dayniile

Muqdisho – Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii toogasho qorsheysan ku dileen mas’uul ka tirsanaa dowladda hoose ee gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa xaafadda Cali Boolay ee degmada Dayniile, magaalada Muqdisho. Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Sheekh Ibraahin Maxamuud (Jiisoow), wuxuuna ahaa Agaasimaha Dalxiiska ee degmada Dayniile. Sida ay wararku sheegayaan, kooxdii…

Read More

Mareykanka oo Taageeray Dadaalka Itoobiya ee Raadinta Marin Badeed Nabadeed iyo Diblomaasiyadeed

Addis Ababa – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageertay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto in ay hesho marin badeed, iyadoo adeegsaneysa waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed, sida uu shaaciyay Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga. Safiir Massinga, oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA), ayaa sheegay in Mareykanku uu…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga: “Khawaarijta Waa Firxad ku Jira Jahawareer, Dowladda Ayaa Ka Go’an Inay Cirib-Tirto”

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in kooxda Khawaarijta ay haatan ku sugan yihiin xaalad jahwareer iyo firxad, kadib weerarro culus oo ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanno ay kooxdu ku sugnaayeen. Isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka, Wasiir Fiqi ayaa yiri: “Xilligaan la joogo…

Read More

Warbixin: Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Hiiraan

Hiiraan, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka gobolka Hiiraan ayaa waaberigii hore ee maanta qaaday weerar qorshaysan oo dhowr jiho ah kaga yimid dhanka Khawaarijta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku firxanayay dagaalladii ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee hoos yimaada degmada Moqokori. Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanada…

Read More

Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Ceel Hareeri ee Gobolka Hiiraan

Hiiraan – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Ceel Hareeri, oo hoostaga degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin ay ciidamada Macawiisleydu ku…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Xiray Tababar Sare oo loo Qabtay Baarayaal ka kala Socda Dowlad-Goboleedyada

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil baarayaal ah oo ka kala socday dowlad-goboleedyada dalka, tababarkaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda xirfadaha baarista dambiyada. Tababarkan, oo ay soo qabanqaabiyeen Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee…

Read More

Mareykanka oo Sannadkan duqaymo ku dilay in ka badan 100 xubnood oo Shabaab iyo Daacish ka tirsanaa

Washington, D.C. – Juun 2, 2025: Hay’adda New America, oo si dhow ula socota duqeymaha cirka ee uu Mareykanku ka geysto Soomaaliya iyo dalal kale, ayaa sheegtay in ugu yaraan 109 ilaa 174 qof lagu dilay 34 duqeyn oo Mareykanku sanadkan 2025 ka fuliyay gudaha Soomaaliya. Warbixinta hay’adda ayaa sidoo kale tilmaantay in dadka la…

Read More

Ugu yaraan 30 Qof oo Ku Dhintay Duqeyn iyo Rasaas Ay Ciidamada Israa’iil Ka Geysteen Agagaarka Xarun Gargaar oo Ku Taalla Rafax

Rafax, Koonfurta Gaza – Juun 2, 2025: Ugu yaraan 30 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas iyo duqeyn ka fuliyeen meel u dhow xarun lagu qeybiyo gargaar oo ku taalla magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Gaza, sida ay sheegeen…

Read More