Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ka Shiaya Waqti Kordhinta Hawlgalka Midowga Afrika

waxa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay gaar ah ka yeelan doono sidii waqti loogu dari lahaa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo waqti ahaan ku 31ka December 2025.

Howlgalkaan ayaa wajahaya dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah kaddib markii maalgalinta dalalkii bixin jiray ay joojiyeen halka qaar kale ay hoos u dhigeen, waxaa socda dedaallo lagu doonayo dalalkaas lagu weydiiyo kaalmo lacageed.

Dhinaca kale, isla fadhiga Golaha Ammaanka waxaa looga doodayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2713 ee ka dhanka ah Al shabaab isla markaana lagula soconayo xayiraadda Badda si aanay kooxdaas wax uga degin, waqti ahaan waxa uu ku siman yahay 13ka Bishan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa rajo xumo ka muujiyay haddii Xafiisyadaan iyo qaraaraddaan isku sidkan ay waayaan taageero caalami ah maadaama sanado badan ay ku howlanayeen la dagaalanka ‘Al shabaaba sida hadalka loo dhigay.

3 thoughts on “Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ka Shiaya Waqti Kordhinta Hawlgalka Midowga Afrika

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *