Soomaaliya: Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo kobaca dhaqaalaha dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, difaaca iyo dhaqaalaha dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta xaaladda amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada qalabka sida ka fuliyeen goobaha dagaalka.

Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in isbeddel wanaagsan laga sameeyay sugidda amniga, iyadoo ciidamada dowladda ay horumar ka sameeyeen goobaha dagaalka, isla markaana jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab oo dowladda ugu yeertay Khawaarij.

Dhinaca dhaqaalaha, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixin ay soo jeedisay Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan xisaab-xirka sanadka 2025, kobaca dhaqaalaha, canshuuraha gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka uu kordhay 3.1 boqolkiiba, gaar ahaan marka la eego cabbirka GDP-ga.

Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Soomaaliya ay gaarto isku-filnaansho dhaqaale, iyadoo la kordhinayo wax-soo-saarka gudaha, dakhli-ururinta, maalgashiga iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.

Raysal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku booriyay hay’adaha dowladda in la xoojiyo daah-furnaanta, isla-xisaabtanka iyo dhowrista hantida qaranka. Xamsa ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay qiimeyntii uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud, isagoo sheegay in markii ugu horreysay maamulka maaliyadda dowladda la siiyay qiimeyn lagu magacaabo “Aragti Nadiif ah”, oo ah heerka ugu sarreeya ee qiimeynta hufnaanta maaliyadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *