Daanweyne, Sanaag – Dagaal culus oo muddo saacado ah socday ayaa maanta ka dhacay deegaanka Daanweyne ee gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC-Khaatumo. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga iyo Difaaca ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa si adag loogu eedeeyay Somaliland inay weerar qorsheysan ku qaaday dad xoolo-dhaqato ah oo aan wax hub ah wadan. “Falka gardarada ah ee naxariis-darrada leh wuxuu sababay dilka iyo dhaawaca dad badan oo reer guuraa ah oo aan waxba galabsan, taasoo aan kaliya dhaawicin nolosha dadkeenna balse sidoo kale wiiqday geeddi-socodka dhismaha nabadda jilicsan ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin weerarrada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee ay sheeganayaan iyo badbaadada shacabka deegaannadooda. Waxa kale oo ay ugu baaqeen beesha caalamka in ay si degdeg ah u farageliyaan una baaraan dagaalka dhacay, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo nabadgelyada gobolka.
Dhanka kale, ciidamada Somaliland ayaa soo bandhigay maxaabiis dagaal iyo gaadiid ay sheegeen inay ku qabteen dagaalka maanta dhacay, inkasta oo xukuumadda Somaliland illaa hadda si rasmi ah uga hadlin dhacdada.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay mar kale cirka isku sii shareertay, kaddib booqashadii dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ku tegay magaalada Laascaanood, halkaas oo uu si cad u aqoonsaday maamulka SSC-Khaatumo in uu yahay mid ka mid ah maamul-goboleedyada dalka. Somaliland ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay faragelin qaawan oo lagu sameeyay waxa ay ugu yeerto midnimada dhulkeeda.
Muran dhuleed oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa salka u ah dagaallada kusoo noqnoqday gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, sidoo kalena horseeday barakaca kumannaan qoys oo rayid ah. Xiisaddu weli way taagan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka sii dartaan xaaladaha amni ee gobolka.