Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud dab ayaa lagu qabadsiiyay mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee deegaankaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in shacabka deegaanka ay si wadajir ah u go’aansadeen in masaajidkaas la gubo, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka horjeeday dariiqada iyo caqiidada ay bulshada deegaankaas raacsan tahay muddo dheer.
Dabka ayaa gebi ahaanba burburiyay dhismaha masaajidka, waxaana la sheegay in wixii ka soo harayba la dumiyay.
Wararka dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in masaajidkaasi ay ku cibaadaysan jireen koox dad ah oo leh aragti ka duwan dariiqada bulshada deegaanka, taasoo keentay khilaaf xoogan oo sababay tallaabada lagu gubay.
Dhacdadan ayaa lagu sheegay mid ku cusb gudaha Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee si toos ah loo gubo masaajid Alle lagu caabudo, sababo la xiriira khilaaf dariiqo diimeed.
Arrintani ayaa keentay muran iyo walbahaar bulshada dhexdeeda ah, iyadoo weli aanay jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ama culimada deegaanka ee ku saabsan dhacdadan.



xcd6mb
Gotta say, vb777vb77 is… a name. But the site itself is alright. Nothing super groundbreaking, but a solid choice if you’re looking for something familiar. Give vb777vb77 a whirl: vb777vb77
Trying out New8 platform. Everything looks very modern and slick! Will report back how it performs. Consider new8 if you want a change of scenery over at new8
Want a betting site you can rely on? 676bet5 got my attention. Easy to deposit and withdraw. It is really great, Give it a chance here 676bet5!