Puntland oo Ka Digtay Inay Xirmaan Ku Dhawaad 100 Xarumo Caafimaad ah Sababo La Xiriira Dhaqaale Xumo

Garoowe – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in xaalad adag oo dhanka dhaqaale ah ay sababi karto xiritaanka in ka badan 100 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo horay u bixin jiray adeegyo aas-aasi u ah bulshada, gaar ahaan deegaanada baahida badan u qaba adeegyada caafimaadka.

Wasiirka Qorsheynta Puntland, Mudane Daa’uud Bisinle, ayaa sheegay in 70 xarumood oo kamid ah xarumahaasi ay hore u taageeri jirtay hay’adda Save the Children, balse hadda la filayo in ay si rasmi ah u xirmaan, taas oo keeni karta in adeegyo muhiim ah oo caafimaad laga waayo deegaanadii ay xarumahaasi ka howlgali jireen.

Dhinaciisa, Agaasimaha Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, Binyam Gebru, ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen inay shaqada ka joojiyaan ku dhawaad 150 ka mid ah shaqaalahooda, sababo la xiriira yaraanta kheyraadka. Waxa uu xusay in ay sidoo kale xireen xarumo badan oo muhiim ah, taasoo hoos u dhigtay awooddooda ku aaddan bixinta adeegyada degdegga ah ee lagu caawin jiray dadka nugul.

Gebru ayaa si cad u sheegay in haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin cusub, ay jirto khatar weyn oo nafeed, gaar ahaan carruur badan oo laga yaabo in noloshoodu halis gasho.

Dhibaatooyinkan ayaa imaanaya xilli Dowladda Mareykanka ay dhawaan jaratay gargaar dhan $170 milyan oo loogu talagalay Soomaaliya, taas oo si weyn u saameysay hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya gudaha dalka.

Hay’adaha samafalka ayaa ka digay in hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah uu horseedi karo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay si degdeg ah uga jawaabaan si loo badbaadiyo nolosha kumannaan qof oo u baahan gargaar degdeg ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *