Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Muqdisho Ka Furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, kaas oo ujeedkiisu yahay horumarinta wax soo saarka gudaha iyo yareynta ku tiirsanaanta quutul-yoonka dibadda laga keeno.

Shirka oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ganacsato, khubaro dhanka beeraha ah iyo dhalinyaro hal-abuur leh, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan koboca wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan qeybta cuntada iyo beeraha oo loo arko laf-dhabarta is-kufilnaanta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa furitaanka ku caddeeyay in Xukuumaddiisu ay si buuxda uga go’an tahay dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, isagoo xusay in maalgashiga beeraha uu yahay furaha lagu yarayn karo baahida badeecooyinka dibadda laga keeno, loona horseedi karo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran.

“Waa waqtigii aan ka guuri lahayn ku tiirsanaanta wax-soo-saarka dibadda, waxaana loo baahan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan horumarinta iyo maalgashiga beeraha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Shirweynahaan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha saameeyay wax-soo-saarka gudaha, kuwaas oo ay kamid yihiin qalab la’aan, khibrad-beereed oo xaddidan, iyo maalgashi la’aan ku jirta qeybaha muhiimka ah ee wax-soo-saarka beeraha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhageystay warbixino iyo talooyin ay soo bandhigeen qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan hal-abuurka la xiriira horumarinta wax-soo-saarka. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay dadaalkooda, isagoo tilmaamay in da’yarta ay leeyihiin kaalinta ugu muhiimsan ee mustaqbalka dhaqaalaha dalka.

Shirweynahaan ayaa la filayaa inuu noqdo bilow cusub oo kor loogu qaadayo istaraatiijiyad qaran oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha, si Soomaaliya ugu dhaqaaqdo is-kufilanasho dhanka cunnada iyo horumar waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *