Guriceel – Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dib u dhiska waddada laamiga ah ee isku xirta degmada Guriceel iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, taasoo lagu dhisayo iskaashi dhexmara Dowladda Galmudug iyo bulshada deegaanka.
Dhagax-dhiggan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Dowlad-goboleedka Galmudug ugu jirto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka. Madaxweynaha ayaa xusay in shaqada dhismaha waddadan la bilaabi doono sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo dowladdu ay horey u diyaarisay qalabkii iyo agabkii lagu fulin lahaa mashruuca.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dhismaha waddadan uu noqon doono mid ay si buuxda uga qeyb qaataan shacabka Galmudug, isagoo ugu baaqay bulshada in ay garab istaagaan mashruuca, maadaama uu yahay mid si toos ah u saameynaya nolosha, ganacsiga, iyo isu socodka bulshada.
Waddadan laamiga ah ayaa leh muhiimad istiraatiiji ah oo ku aaddan isku xirka gudaha Galmudug, waxaana dib u dhiskeeda lagu tilmaamay mid horseedi kara kobac dhaqaale, fududeynta adeegyada, iyo xoojinta xasilloonida gobolka

