Tahriibayaal ay Soomaali ka mid yihiin oo ku dhintay xeebaha Talyaaniga

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in tahriibayaal inta badan ka so jeeda Qaarada Africa oo ay Soomaali ka mid yihiin ay ku dhinteen xeebah talyaaniga ka dib marki ay dagtay doonidii ay saarnaayeen oo ya ka raaceen Dalka Libiya.

Dadka badbaaday iyo meydka ayaa la geeyay Lampedusa, halka rakaabkii soo haray aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Dhacdo taa ka duwan, maalintii Axadda ayaa la helay labo tahriibayaal ah oo meyd ah, 14 kalena xaaladooda ayaa liidata, kadib markii booliska canshuuraha Talyaaniga ay qabteen doon ay saarnaayeen 85 qof oo ka kala yimid Pakistan, Eritrea iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AGI.

Tirada 14-ka qof ee soo galootiga ah oo u baahnaa gargaar iyo labada mayd ayaa lagu wareejiyay laba unug oo Ilaalada Xeebaha ah oo meel 16 meyl u jirta xeebta Lampedusa waxaana la geeyay xeebta si loogu wareejiyo isbitaallada, AGI ayaa sidaa tiri.

In ka badan 32,700 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii, oo ay ku jiraan qiyaastii shantii qofba uu mid carruur yahay, sida laga soo xigtay xogta hay’adaha Qaramada Midoobay, Dell’Arciprete ayaa sidaas sheegtay.

Flavio Di Giacomo, oo ah af hayeenka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka, ayaa Sabtidii baraha bulshada ee X ka sheegay in ugu yaraan 916 muhaajiriin ah ay ku dhinteen bartamaha Mediterranean-ka illaa iyo hadda sanadka 2025-ka.

Doonta ayaa degtay kadib labo maalmood oo ay badda ku jirtay, Dell’Arciprete ayaa sidaas yidhi.

Lifaaqan ka dhegeyso faahfaahin dheeraad ah oo shilkaasi ku saabsan oo ay ka warrameyso Shukri Siciid oo ah weriye madax bannaan oo ku nool magaalada Rome ee dalka Talyaaniga:

Dhacdo taa ka duwan, maalintii Axadda ayaa la helay labo tahriibayaal ah oo meyd ah, 14 kalena xaaladooda ayaa liidata, kadib markii booliska canshuuraha Talyaaniga ay qabteen doon ay saarnaayeen 85 qof oo ka kala yimid Pakistan, Eritrea iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AGI.

Tirada 14-ka qof ee soo galootiga ah oo u baahnaa gargaar iyo labada mayd ayaa lagu wareejiyay laba unug oo Ilaalada Xeebaha ah oo meel 16 meyl u jirta xeebta Lampedusa waxaana la geeyay xeebta si loogu wareejiyo isbitaallada, AGI ayaa sidaa tiri.

In ka badan 32,700 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii, oo ay ku jiraan qiyaastii shantii qofba uu mid carruur yahay, sida laga soo xigtay xogta hay’adaha Qaramada Midoobay, Dell’Arciprete ayaa sidaas sheegtay.

Flavio Di Giacomo, oo ah af hayeenka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka, ayaa Sabtidii baraha bulshada ee X ka sheegay in ugu yaraan 916 muhaajiriin ah ay ku dhinteen bartamaha Mediterranean-ka illaa iyo hadda sanadka 2025-ka.

One thought on “Tahriibayaal ay Soomaali ka mid yihiin oo ku dhintay xeebaha Talyaaniga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *