Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyey dadaalka naf-hurnimo leh ee ay wadaan hay’adda Nabadsugida iyo sirdoo ka Jubbaland JISA kuwaas oo ka shaqeynaya xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dowliga ah, iyo dhismaha awood dowladnimo oo waarta.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga mahadceliyey shaqada adag iyo hufnaanta uu muujiyey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland (JISA), Mudane Maxamed Axmed Sabriye, kaas oo muddo kooban oo uu xilka hayey ku guuleystay kordhinta heerka amniga guud, mideynta hay’adaha amniga, iyo abuurista kalsooni shacabka dhexdooda ah.
Hay’adda JISA ayaa noqotay tiir muhiim u ah sugidda amniga iyo ilaalinta danaha guud ee Jubaland, iyadoo si dhow ula shaqeysa hay’adaha kale ee amniga iyo bulshada rayidka ah.
Dadaallada ay hoggaaminayaan Agaasime Sabriye iyo kooxdiisu waxay noqdeen tusaale muuqda oo muujinaya isbedel dhab ah oo ku wajahan amni waara iyo dowladnimo xooggan oo ay yeelato Jubbaland.
“Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland”ayuu yiri Axmed madoobe
“Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa hoggaanka Hay’adda JISA iyo dhammaan howlwadeenada kala duwan oo si hufan uga soo dhalaalay waajibaadkooda shaqo, muujiyayna dadaal, daacadnimo, iyo go’aan adag oo ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarka Jubaland” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubaland.






Hi, how have you been lately?
真免费!价值万元资源,不要一分钱,网址:https://www.53278.xyz/
Great breakdown on AI integration in tech-tyy.AI Tools is a must for finding curated solutions. Their AI Girlfriend category alone shows how niche applications are evolving rapidly.