Wararka la laga helay dagaanda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ay ku soo fool leedahay degaanada. taaso keentay inay kumanaan qoys ay haatan wajahayaan cunto yari daran, biyo la’aan baahsan iyo nafaqo dari taasoo ay sababtay roob la’aan iyo abaaraha ku dhuftay degaano badan oo ka tirsan koonfur galbeed
Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in xaalad bani’aadannimo oo halis ah ay si degdeg ah ugu soo fool leedahay deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib qiimeyn ballaaran oo ay sameysay wasaaraddu.
wasaarada ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ay xaalada uga deyrineyso.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qiimeynta Amniga Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) bishii Sebtembar 2025, in ka badan 621,000 oo qof oo ku nool Koonfur Galbeed ayaa haatan u baahan gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah, iyadoo la filayo in xaaladdu kasii darto inta lagu jiro xilliga Jilaalka ee Janaayo ilaa Maarso 2026.
Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in 134,970 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay la il-daran yihiin nafaqo-darro ba’an, taasoo khatar weyn ku ah noloshooda haddii aan wax laga qaban.
Dhanka kale, yaraanta roobabka Deyrta ayaa sababtay in ilaha biyaha ay sii yaraadaan, taasoo ku qasbeysa qoysaska iyo xoolaha inay masaafooyin dheer u safraan helista biyo nadiif ah.
Sidoo kale, wax-soosaarka beeraha ayaa hoos u dhacay kaddib roobab aan ku filnayn xilli-beerista.
Wasaaradda ayaa sheegtay in warbixinno isdaba joog ah oo ka imaanaya gobollada, degmooyinka iyo ururada bulshada ay muujinayaan in xaaladda nololeed ee dadka ay si xawli ah u sii xumaaneyso.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xaalad bani’aadannimo oo kusoo fool leh ay iminka taagan tahay, waxayna ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha gargaarka inay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyaha jira.
Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ballanqaadday inay dadaal kasta sameyn doonto si bulshada ay u helaan gargaar degdeg ah, iyadoo ugu baaqday shacabka, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, inay doorkooda ka qaataan gurmadka iyo wacyigelinta.



Alright, jiligamesfreebonus sounds like my kind of place! Free bonuses? Sign me up! Gotta check that out and see what they’re offering. Hope the slots are good! jiligamesfreebonus
Spicycassino is bringing the heat! I’m talking slots, table games, the works! It’s got everything you need for a good night in or a casual spin. And who knows? Maybe you’ll hit the jackpot! Give ’em a look at jackpot 777.