Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay wajiga labaad ee tababbarka guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee la xiriira hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Munaasabadda daahfurka tababbarka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu xoojiyay doorka muhiimka ah ee guddi-hoosaadyadu ku leeyihiin hirgelinta nidaam caddaalad ah oo lagu jaangooyo darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka, taasoo ah tiir-dhexaad u ah hufnaanta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah.
Guddoomiye Xasan Abshirow ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam sax ah oo siman, kaas oo shaqaalaha rayidka si cadaalad ah loogu qiimeeyo, isla markaana lagu hormariyo kalsoonida iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Wuxuu xusay in tababbarkan uu ka tarjumayo dadaalka dowladda ee lagu dhisayo nidaam maamul shaqaale oo casri ah, isagoo ku dhiirrigeliyay xubnaha guddi-hoosaadyada in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh uga shaqeeyaan waajibaadkooda, iyagoo tusaale u noqda hoggaan wanaagsan oo ku dayasho mudan.
Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in masuuliyadda ay hayaan ka qeybgalayaasha tababbarku tahay mid muhiim u ah kobcinta dowladnimada iyo dhismaha adeegyo dowladeed oo tayo leh, loona baahan yahay in ay si dhab ah u garwaaqsadaan kaalinta ay kaga jiraan geeddi-socodka horumarinta nidaamka shaqaalaha rayidka.
Tababbarkan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee lagu doonayo in lagu hagaajiyo maareynta iyo maaraynta kheyraadka aadanaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
