Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay kusimaha danjiraha Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadda, barnaamijyada xasilinta, iyo xoojinta iskaashiga mustaqbalka ee labada dhinac ka dhexeeya. Labada masuul ayaa ka wadahadlay fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo xasilloonida iyo kobaca deegaanada SSC-Khaatumo, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee shacabka deegaanka.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah dadaallada dowlad-goboleedka ku doonayso in ay ku gaarto horumar waara iyo nabad ay ku naaloodaan bulshada deegaannada hoos yimaada maamulka. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Dowladda Norway doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ah xiriir-dhowrka diblomaasiyadeed ee SSC-Khaatumo la leedahay beesha caalamka, iyadoo lagu doonayo in laga dhiso jawi iskaashi oo miro-dhal ah, isla markaana lagula tacaalo caqabadaha amni, dhaqaale, iyo bulsho ee ka jira gobolka.