Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday furimaha dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida

BAYDHABO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ku jira howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Madaxweyne Laftagareen ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, kuwaas oo uu ka dhageystay warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaaladda amniga, horumarka laga sameeyay dagaalka, iyo caqabadaha ka jira goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin.

Intii uu ku sugnaa furimaha, Madaxweynaha ayaa si weyn u bogaadiyay geesinimada, adkaysiga, iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huray difaaca dalka iyo xoreynta deegaannada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweyne Laftagareen wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo carabka ku adkeeyay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin isbedel dhab ah oo lagu samayn karo marka la helo is-kaashi buuxa oo ka dhexeeya shacabka, ciidamada, iyo madaxda dalka.

Booqashada Madaxweynaha ayaa timid xilli ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku jiraan marxalad horumarineed oo ka mid ah dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana la filayaa in ay sii xoojiso niyadda iyo kalsoonida ciidamada ku sugan furimaha hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *