Wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha XFS oo kormeeray keydka badeecooyinka laga keeno dibadda

MUQDISHO – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray kaydka badeecooyinka laga soo dhoofiyo dibadda, ee ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Intii lagu jiray booqashada, wasiirradu waxay indha-indheeyeen noocyo kala duwan oo khudaar ah sida liin-dhanaanta, mooska, kabsarka, salarta, iyo basasha — kuwaasoo laga keenay dibadda, inkastoo ay yihiin dalagyo si dabiici ah uga baxa gudaha Soomaaliya.

Wasiirradu waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku aaddan soo dejinta dalagyo uu dalka si dabiici ah u soo saaro, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid dhaawacaysa dhaqaalaha beeraleyda Soomaaliyeed, hoos u dhigaysa wax-soo-saarka gudaha, isla markaana carqalad ku ah dadaallada lagu horumarinayo isku filnaanshaha dalka.

Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen doorka muhiimka ah ee ay leedahay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay hay’addaasi in ay si buuxda u gudato waajibaadkeeda. Wasiirradu waxay adkeeyeen in la xakameeyo badeecooyinka aan tayada lahayn ee laga keeno dibadda, gaar ahaan kuwa si dabiici ah uga baxa dalka, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo koritaanka dhaqaalaha gudaha.

Dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu dhiirrigeliyay in ay door bidaan wax-soo-saarka dalka, taasoo lagu tilmaamay mid kaalin weyn ka qaadanaysa xoojinta waddaniyadda, kobaca dhaqaalaha, iyo horumarka waara ee dalka Soomaaliya.

Wasiirradu waxay ku adkeeyeen in la qaato mas’uuliyad wadareed si loo sugo horumarka dalka, iyadoo loo marayo dhiirrigelinta beeraleyda iyo daryeelka wax-soo-saarka gudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *