Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Istaatistikada Qaranka, kuwaas oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’addaasi, Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen ku-xigeenada labada hay’adood, qaar kamid ah agaasime waaxeedyada iyo lataliyaal sare, ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada hay’adood, si gaar ahna loogu lafaguray is-dhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo xogaha la xiriira horumarinta dalka iyo arrimaha bini-aadanimada.
Mas’uuliyiinta labada hay’adood ayaa si wadajir ah u muujiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la helo xog sugan oo sal adag u noqon karta qorsheynta iyo hirgelinta adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha, iyo ka jawaabista xaaladaha bani-aadantinimo ee dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, si loo gaaro hufnaan dheeraad ah oo ku saabsan maaraynta xogaha muhiimka u ah koboca iyo xasiloonida qaranka.



drzdv3
Hello,
The way people search online is changing. Along with Google, more people are using AI platforms, voice assistants, and conversational search to find businesses.
Because of this, traditional SEO alone may not be enough.
We offer a combined SEO + AEO strategy to improve visibility across Google, voice search, conversational queries, and AI-powered search.
If you’d like to strengthen your online presence, we’d be happy to share our service proposal and pricing.
Let me know if you’d like to receive the details.
Regards,
Robin