Dagaal beeleed ka qarxady degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabelle

Wararka la helayo ayaa sheegaya in deegaanka Calaag ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa mar kale ka qarxay dagaal u dhexeeya laba maleeshiya Beeleed oo ka soo kala jeeda qeybo ka mid ah Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan xili sidaan oo kale asbuucaan kaliya dhowr dagaalkaasi la isku noqnoqday.

Dagaalka  la soo sheegayo inuu socdo waxaa uu ka dhashay kadib markii nabadoon lagu dilay deegaankaasi kaasoo sida wararka qaar sheegayaan loogu yimid beertiisa kadibna lagu dilay ,waxaana dagaalku salka ku hayaa is heysad dhul beereed sida aan wararkeenii hore idinku sheegnay.

Dagaalka oo ka dhexeeya labada beelood ee walaalaha ah ee Abgaal iyo Xawaadle ayaaneey jirin wax kala dhex gala oo si rasmi ah u qaboojiya xiisadaasi hadey Dowlada ahaan lahayd iyo hadii maamulka Hirshabelle uu ahaan lahaaba.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Naadoon Cabdullaahi Qoorey Allaha u naxariistee ayaa ka soo jeeda Beesha Abgaal waxaana la dilay isagoo beertiisa ku sugan sida aan xogta ku helnay walina colaadu way taagan tahay.

3 thoughts on “Dagaal beeleed ka qarxady degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabelle

  1. Alright, checked out i8clubcasino! Pretty slick layout, easy to navigate even when you’re a bit hazy. Games are decent, nothing mind-blowing, but good selection. Depositing was smooth, no issues there. So far, so good. Thumbs up! Check it out here: i8clubcasino

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *