Muqdisho-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ay socdaan abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-shabaab.
Safarka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka. Waxaana kormeerkoda intii uu socday ay la hadleen warbaahinta, waxaana ay shegeen in la farayo ciidamada is garabsanaya inay sii xoojiyaan dagaalka illaa laga soo afjaro goobaha ay Al-shabaab gabbaadka ka dhigteen.
Sidoo kale Taliyaha ayaa amar bixiyay in deg deg loo qabto degmada Awdheegle oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku sugan yihiin.
Shabeellaha Hoose ayaa hadda ka socda wajiga saddexaad ee hawlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagula dagaalayo Al-shabaab.



TT88games… straight to the point! Website looks promising. Let’s play and hopefully we can win! Check out those games here: tt88games
King88onlinecasino slaps! Seriously, great selection and easy to use. One of the best online casinos around, in my opinion. Go check it out man! king88onlinecasino
Jilipark app is the way to go! So convenient and easy to use. Gotta love playing on the go. Get the jilipark app now!