Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil baarayaal ah oo ka kala socday dowlad-goboleedyada dalka, tababarkaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda xirfadaha baarista dambiyada.
Tababarkan, oo ay soo qabanqaabiyeen Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa saraakiisha lagu baray cilmiga sayniska fooraansiga (forensic science), habraacyada maaraynta goobaha dambiyadu ka dhacaan, farsamooyinka waraysiga dhibbanayaasha iyo markhaatiyaasha, iyo sidoo kale sida casriga ah ee loo adeegsado dhijitaalka marka la diyaarinayo caddeymaha dambiyada.
Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa ugu baaqay saraakiisha in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda, aqoontii ay tababarka ka kororsadeenna ay si hufan ugu dabaqaan hawlahooda shaqo, islamarkaana ay la wadaagaan asxaabtooda kale ee ay wada shaqeeyaan, si loo helo nidaam baaris oo tayo sare leh oo mideysan.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ugu jiraan tayeynta awoodda baarayaashooda si ay si hufan ugu wajahaan la tacaalidda dambiyada iyo xaqiijinta cadaaladda dalka oo dhan.




