Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dalka uu soo wajaho khatar aan horay loo arag oo ka dhalatay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib wareysi uu siiyay Tvga maxaliga ah SMS Soomaali Tv.
Cabdi Qeybdiid oo su’aalo dhinac badan taabanaya oo la weydiiyay ayaa si kulul waxa uu uga hadlay qaabka ay Dowladda ay hadda wax kuwado aysan ahayn wadiiqad wanaagsan, Senator Cabdi Qeybdiid, ayaa yiri “Dalka hala badbaadiyo, rajadii Dowladnimo ceel ayay ku sii dhacaysaa, Hantidii shacabku shakhsi jeebkiis ayay ku dhacday, Shacabku waa in uu isdaba qabtaa inta aanay meesha ka bixin higsigii Dowladnimo.”
Senator Qeybdiid ayaa ku muujiyay wareysiigii laga qaaday cabsida uu ka qabo mustaqbalka dalka, wuxuuna yiri “Weligay kuma fikirin in Soomaaliya ay ku socoto dariiq halis ah, balse maanta waxaan si dhab ah uga baqayaa xasiloonida Qaranka ee madaxda hadda jirta”.
Waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii dalka loo difaaci lahaa, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mareeyso marxalad adag oo u baahan faragelin deg deg ah, Senator-ka ayaa kula dar daarmay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay gutaan waajibaadkooda Qaran, waxa uu dhaliilay siyaasadda Dowladda oo uu ku tilmaamay kuwo halis ku ah jiritaanka Qaranka.
Qeybdiid ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si keligiis ah wax uga bedelay dastuurka, isagoo ku andacoonaya in Soomaaliya aysan hadda ku shaqeyn nidaamka dastuuriga ah ee sharciga ah. “Wax dastuur ah hadda ma jiro, waxa jira waa dastuurka gaarka ah ee Xasan Sheekh,” ayuu yiri.



Thinking about placing some bets on 20betto. Their odds seem quite competitive. Hopefully, I can score some wins. Thinking of visiting 20betto soon
Royaljeetwelcomebous, eh? Sounds promising! A welcome bonus is always a good start. I will definitely click royaljeetwelcomebous
I’ve been hearing buzz about ronbuzz. Need to dive in and see if the hype is real and if its a decent platform. You will see me on ronbuzz