Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Daah-furay Warbixinta Sanadeedka Horumarka Maaliyadeed ee 2024

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay warbixinta sanadeedka 2024 ee horumarka maaliyadeed ee dalka, taasoo si qoto dheer u faaqidaysa guulaha laga gaaray dhinacyada dhaqaalaha iyo maareynta maaliyadda.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkan gaartay horumar muuqda oo dhanka dhaqaalaha ah, isagoo xusay in la sameeyay horumar la taaban karo oo ku saabsan maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga gudaha iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in hirgelinta nidaamka maaliyadeed ee hufan uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, ayna lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu tayeynayo maamulka dakhliga dowladda.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee ay Xukuumadda DanQaran hormuudka ka tahay uu saldhig u noqonayo hannaanka maamulka maaliyadeed ee dalka, taasoo horseedi doonta xasilooni dhaqaale iyo adeegyo bulsho oo la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Warbixintan sanadlaha ah ayaa muujinaysa isbeddelka dhanka maaliyadda ee ka socda Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in dadaallada socda ay si joogto ah u horumariyaan kobaca dhaqaale iyo awoodda dowladeed ee bixinta adeegyada muhiimka ah.

2 thoughts on “Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Daah-furay Warbixinta Sanadeedka Horumarka Maaliyadeed ee 2024

  1. Stands apart from similar pages by actually being useful, that is high praise these days, and a look at cosmoorchid kept that standard going, you can tell when a site is built around the reader versus around metrics and this one clearly belongs to the first category for sure based on what I read.

  2. Glad I gave this a chance rather than scrolling past, and a stop at artisandesigncollective confirmed I made the right call, sometimes the best content is hidden behind unassuming headlines that do not scream for attention and learning to slow down and check those out has paid off many times now across years of reading.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *