Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Kampala Wasiirka Amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon. Jim Katugugu Muhwezi.
Kulanka labada Wasiir ayaa xoogga lagu saaray iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada, isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka, iyo tababarrada ciidamada amniga ee labada dowladood.
Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Uganda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada wasaaradood.
Dhankiisa, Wasiirka Amniga ee Uganda, Hon. Jim Muhwezi, ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hormarineyso amniga gudaha iyo dib u dhiska hay’adaha amniga, isagoo ballan qaaday in Uganda ay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga amni ee labada dal.






PH62slot time! Ready to spin and win (hopefully!). Wish me that lady luck is on my side! Check it out here: ph62slot
Trying to download from yy777download. I am happy about the download speed. Pretty good stuff for anyone needing this. yy777download
789bet09 – keep hearing this mentioned. Anyone had any good experiences there? Thinking of giving it a go. Let’s check 789bet09 out!