Jowhar – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Jowhar, oo ah caasimadda maamulka HirShabelle, kadib markii la arkay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugan agagaarka magaalada.
Ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus oo laga dareemay deegaanno dhowr ah oo ku teedsan Jowhar. Arrintan ayaa walaac weyn ku abuurtay shacabka deegaanka iyo maamulka HirShabelle.
Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa si deg-deg ah uga falceliyay xogta la helay, iyadoo kordhisay ciidamada ammaanka ee ku sugan baraha koontaroolka ee laga soo galo magaalada. Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa ammaanka guud ee caasimadda.
Sidoo kale, ciidamada nabad-sugidda HirShabelle ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah oo ka dhacay duleedka magaalada, halkaas oo ay ku qabteen afar qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab.
Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkeen ciidamo farabadan oo gaaf wareegaya nawaaxiga magaalada, iyaga oo sugaya ammaanka.
Illaa iyo hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka sare ee HirShabelle oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada iyo xaaladda amni ee hadda taagan ee magaalada Jowhar. Warbaahintu waxay si dhow u la socon doontaa waxii kusoo kordha.