MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Wuxuu kormeerkan wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Fartuun Cabdulqaadir Faarax, iyagoo si wadajir ah u indha-indheeyay howlaha kala duwan ee ka socda dekedda.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu dardargelinayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ganacsiga iyo hubinta tayada badeecadaha laga soo dejiyo dalka, si loo xaqiijiyo adeegyadii ugu wanaagsanaa ee laga filayo dekedaha.
Intii uu socday kormeerka, Wasiirka ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Mudane Axmed Maxamed (Washington), kaasoo uga warbixiyay nidaamka shaqo ee dekedda, guulaha horumarineed ee la gaaray, iyo caqabadaha weli caqabad ku ah adeegyada dekedda.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay uga go’antahay in la horumariyo adeegyada dekedda. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay casriyeynta qalabka, tayeynta adeegyada, iyo ballaarinta dhismayaasha kaabeyaasha si kor loogu qaado doorka dekedaha ee kobaca dhaqaalaha dalka.
Kormeerkan ayaa la filayaa inuu horseedo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo howlaha dekedda, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo adeegyadeeda muhiimka ah.


