Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dooni siday Agab Ciidan

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonni siday tuute iyo agab ciidan, iyada oo lala qabtay dadkii watay doonta, kuwaas oo la sheegay in ay Soomaali yihiin.

Howlgalkan ayaa ka dhacay biyaha deegaan xeebeedka Qaw ee gobolka Bari, sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu daabacay barta hawlgalka la dagaalanka argagixisada Puntland.

Taliska ciidamada ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo halka uu u socday agabka ciidan iyo ujeeddada safarka doontan.

Taliska Ciidanka Puntland, ayaa sheegay in baaritaan lagu wado doontan oo siday tuute iyo agab kale oo ciidan, waxay kaloo intaa ku dareen in raga doonida watay ay ahaayeen Soomaali.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in baaritaanka la sii wadi doono si loo xaqiijiyo cidda mas’uulka ka ah doonta iyo halka ay ku jeeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *