SoDMA oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Lagu Xoojinayo Hufnaanta iyo Caddaaladda Gargaarka Bini’aadannimo

Muqdisho – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa hufnaanta, caddaaladda, iyo sinaanta gargaarka bini’aadannimo, iyadoo looga hortagayo ku takrifalka iyo musuqmaasuqa ku xeeran bixinta kaalmooyinka degdega ah.

Kulankan oo ay si wadajir ah uga qeyb galeen maamulka gobolka Banaadir, wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa noqday madal furan oo si qoto dheer loogu falanqeeyay caqabadaha hortaagan habsami u socodka gargaarka. Intii uu socday kulanka, waxaa la is-weydaarsaday aragtiyo wax-ku-ool ah iyo talooyin ku saabsan hagaajinta nidaamka bixinta gargaarka.

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa hoosta ka xarriiqay in isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo la dagaallanka ku takrifalka ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu sugi karo kalsoonida dadka shacabka ah iyo hay’adaha samafalka. Waxay ku adkeeyeen in bulshada ay doorkeeda qaadato, isla markaana ay si firfircoon uga qeyb qaadato ilaalinta iyo kormeerka gargaarka si looga hortago wax isdabamarin iyo eex.

SoDMA waxay mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay difaacidda xuquuqda dadka nugul, iyadoo xaqiijineysa in gargaarka lagu gaarsiiyo dadka ay sida dhabta ah u saameeyeen masiibooyinka, si waafaqsan mabaadi’da bini’aadannimo, xeerarka caalamiga ah, iyo sharciyada u yaalla Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu soo afjaray go’aan lagu dhisayo guddi farsamo oo si gaar ah u qaabilsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo daneeyeyaasha kale, si loo helo hannaan hufan oo la isla oggol yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *