Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi oo Ku Saabsan Horumarinta Beeraha

Baku, Azerbaijan – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) oo ku saleysan wada shaqeyn ballaaran oo dhinaca beeraha ah. Heshiiska ayaa uu la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

Is-afgaradkan ayaa xooga saaraya iskaashi qoto dheer oo ku saabsan horumarinta maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeenta, cilmi-baarista beeraleyda, iyo xoojinta xiriirka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira wax-soosaarka beeraha.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in heshiiskan uu qeyb ka yahay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah oo wax ku ool ah. Waxa uu xusay in Azerbaijan ay ka mid tahay dalalka ku hormaray tiknoolojiyadda iyo cilmi-baarista dhanka beeraha, taas oo Soomaaliya u noqon karta fursad muhiim ah oo lagu horumarin karo nolosha beeraleyda Soomaaliyeed.

Intii ay ku sugnaayeen Azerbaijan, Wasiirka iyo wafdigiisa waxa ay booqdeen xarumo cilmi-baaris ah oo ku takhasusay beeraha, sida machadyada tiknoolajiyadda ku saabsan cilmiga dhulka iyo kiimikada la xiriirta wax-soosaarka beeraha, si ay ugu indha-indheeyaan hababka casriga ah ee ay dalkaasi u adeegsadaan horumarinta dhaqaalaha beeraha.

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya isbeddelka iyo fursadaha cusub ee ka hirgalaya qeybta beeraha Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo inuu horseedo iskaashi miro-dhal ah oo labada dal u faa’iido.

2 thoughts on “Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi oo Ku Saabsan Horumarinta Beeraha

  1. Nice and clean, that is the best way to describe the writing here, no clutter and no wasted words, and a quick visit to buildyourdirection kept that going, I appreciate when a site treats its readers like people who can think for themselves without needing constant hand holding through every paragraph.

  2. Alright, real talk about the Miami rental game — it’s a straight-up jungle out here. Then you show up at the lot. Plus they freeze $2500 on your card for a week. Fool me eight times? That’s just another Tuesday in the 305. those guys are professional grifters in polo shirts. Miami without decent wheels is basically a hostage situation. leather seats that won’t weld themselves to your thighs in July. I’ve run through maybe 45 rental companies across Dade, Broward, and Monroe. what you book is what shows up, no surprises, no fine print nightmares. Here’s the only honest source for premium wheels across South Florida
    porsche car rental near me [url=https://luxury-car-rental-miami-8.com]https://luxury-car-rental-miami-8.com[/url] Yeah parking in South Beach will cost you a nice bottle of wine — but that’s the Miami tax. Anyway glad there’s at least one straight operator left in this rental circus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *