Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo kulan la qaatay kusimaha danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay kusimaha danjiraha Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadda, barnaamijyada xasilinta, iyo xoojinta iskaashiga mustaqbalka ee labada dhinac ka dhexeeya. Labada masuul ayaa ka wadahadlay fursadaha iskaashi…

Read More

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday furimaha dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida

BAYDHABO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ku jira howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta. Madaxweyne Laftagareen ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, kuwaas…

Read More

Wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha XFS oo kormeeray keydka badeecooyinka laga keeno dibadda

MUQDISHO – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray kaydka badeecooyinka laga soo dhoofiyo dibadda, ee ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Intii lagu jiray booqashada, wasiirradu waxay indha-indheeyeen noocyo…

Read More

Wasiirka dekadaha oo sheegay in dowladdu ka shaqaynayso horumarinta dekadaha dalka

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Wuxuu kormeerkan wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Fartuun Cabdulqaadir Faarax, iyagoo si wadajir ah u indha-indheeyay howlaha kala duwan ee ka socda dekedda. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah…

Read More

Ahmed Hussen is only Somali MP re-elected in Canadian Parliament

Toronto — Ahmed Hussen has secured a fourth consecutive term as Member of Parliament for York South–Weston, retaining his seat in Monday’s federal election and continuing as the sole Somali-Canadian representative in Canada’s House of Commons. Running as the Liberal Party incumbent, Hussen overcame multiple challengers to maintain the Toronto-area riding he has represented since…

Read More

Wasiir dowlaha Arrimaha Guddaha oo shir-guddoomiyay shirka Guddi Howleedka Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saadaad Aliyo, ayaa maanta guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee Guddiga Howlaha Farsamada ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda. Kulanka oo ay martigelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Faafinta Been Abuurka iyo Dacaayadaha Khawaarijta

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay warar been abuur ah oo si baahsan loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegayey in weerarro hoobiyayaal ah oo dhowaan ka dhacay Muqdisho lagu bartilmaameedsaday xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada. Wararkaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla…

Read More

Shirka Arrimaha Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo ka furmay Ruwanda

Kigali, Rwanda – Waxaa magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 15-aad ee shirweynaha sanadlaha ah ee hay’adda African Risk Capacity (ARC), hay’ad u qaabilsan qaaradda Afrika ka hortagga iyo maaraynta khataraha musiibooyinka dabiiciga ah. Shirkan oo ay isugu yimaadeen dalalka xubnaha ka ah hay’adda ARC, ayaa qaybtiisa farsamo si…

Read More

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Jabuuti – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si rasmi ah loogu soo xirayey tababar ay qaateen cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, oo lagu qabtay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirro iyo diblomaasiyiin…

Read More