Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan
Ankara, Turkiga – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Ankara, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalkaasi. Wasiirka ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay taageerada ballaaran ee dowladda Turkiga ay…