Degmada Balcad oo lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa iyadoo muran ka dhashay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ugu qabatay doorashada Guddoomiyaha degmada iyo labadiisa ku xigeen. Doorashada ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balcad, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ugu doortay Qaasim Cali Nuur inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee…