Jubbaland oo ku eedeysay dowlada federaalka ah ee soomaaliya siyaasadaynta mashaariicdii maamulka

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si adag u dhaliilay Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya xilli uu ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Maalgashiga Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay joojisay xaquuqdii ay lahayd Jubbaland, isagoo sheegay in ay siyaasadeysay mashaariicda iyo howlaha la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo, sida uu sheegay, wiiqaysa…

Read More

Wasiir Fiqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sarreeyo oo ahaa dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen. Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhowridda nabadda iyo amniga caalamiga, la falgalidda kala duwanaanshaha, dib-u-habaynta iyo hagaajinta maamulka caalamiga ah, waxaana shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda…

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Geneva kula kulmay Agaasimaha ITC

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Marwo Pamela Coke-Hamilton. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii…

Read More

Puntland oo joojisy ajaanibta ku soo galaysa sida sharci darada ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo ‘ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland,’ isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan. Madaxweyne Deni ayaa amarkan la socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo…

Read More

Ciidanka xooga dalka oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayeen deegaano ka tirsan Bakool

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala bariga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. Howlgalkaan ayey ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala ah Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor iyo Garas oo ah dhamaantood deegaano hoostaga Bariga degmada Xudur  ee xarunta gobolka Bakool. Abaanduulaha guutada…

Read More

Wajigii koowaad ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ka dhacay Ankara

Waxaa magaalada Ankara ka dhacay wareegii koowaad ee wada-hadallada dhinaca farsamada ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu fududeeyay Turkiga, sida ku cad baaqii Ankara ee la ansixiyay December 11, 2024. Kulamo gaar gaar ah oo uu wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha…

Read More

Madaxweynaha Uganda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya 

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Uganda ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni. Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Uganda, halkaas oo Madaxweyne Museveni uu si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha cusub. Intii ay socotay kulanka labada…

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WTO

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala. Kulankan ayaa daba socday wadahadalladii bilowga ahaa ee shalay dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay…

Read More