Deni oo ka jawaabay in ciidamo Federaalka ka amar qaata ku sugan yihiin Puntland
Garoowe: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni oo maalmo ka hor wareysi gaar ah bixiyay ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ahaa in ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku sugan yihiin Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidamo kasta oo Puntland jooga ay yihiin ciidan reer Puntland…