Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab xiriri la leedahay Xuutiyiinta Yemen

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu ka dhaxeeyo xiriir weeyn oo toos ah, taasoo sahashay in labada dhinac tababarka iyo hubka is-dhaafsadaan, iyagoo khatar ku ah amniga Badda cas iyo gobolka Geeska Africa. Madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in…

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Samatar, ayaa maanta daah furtay kulan ku saabsan xaqiijinta hindisaha afraad ee Qorshaha Caalamiga ah ee Kala Duwanaanshaha Noolaha (GBF-EAS). Kulankan, waxa uu diiradda saarayaa ansixinta warbixinta mashruuca iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha muhiimka ah. Agaasime Yuusuf ayaa ka hadlay himilooyinka Soomaaliya…

Read More

Puntland oo xaqiijisay duqeymo laga fuliyay Buuraha Calmiskaad inay ku geeriyoodeen dad shacab ah

Ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqayn diyaarado aan la aqoon ay ka geysteen deegaanka Sixna oo Koonfur kaga beegan degmada Qandala ee gobolka Bari. Goobta lagu beegsaday qoysaskan waxaa ku dhow togga Jaceel oo kamid ah farriisimaha ugu waawayn oo ay kooxda Daacish ku leeyihiin buuraha Calmiskaad. Guddoomiyaha degmada Qandala…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in Doorashada Golaha Degaanka ka qaban doonaan Gedo Iyo Khaatumo Bisha June

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo wareysi siinayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay inay asteeyeen ilaa 800 oo goobood ay doonayaan inay ka qabtaan Bisha June ee soo socota Doorashooyinka Golaha Degaanka, waxaana carabka uu ku dhuftay inta ugu badan Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay la kulmeen. Gudoomiyaha…

Read More

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka federaalka oo la kulmay Safiirka EU ee Soomaaliya

Cabdikarin Axmed Xassan, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaamineysay safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya haweeyneeyda lagu magacaabo Ambasador Karim Johansson, waxaana diirada ay saareen arrimaha u diyaar garowga Soomaaliya ee Doorashooyinka Qof iyo Cod. War kooban oo lagu daabacay barta Guddiga ee Facebook ayaa…

Read More

Ku dhowaad shan iyo toban qof uu ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Qandala, Bariga Soomaaliya

Magaalada Qandala oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland waxaa Caawa laga soo werinyaa in duqeyn diyaaradeed lagu xasuuqay qoys deganaa degaanka Sixna. Diyaaradaha wax duqeeyay oo loo maleynayo kuwa Drons-ka ee aan duuliyaha lahayn islamarkaana caawiya Dowlada Somalja ayaan wali la ogeyn Dalka laga leeyahay. Ugu yaraan sadex iyo toban qof oo labo haween yihiin…

Read More

Madaxweyne Xassan Sheekh oo gaaray Dalka Tanzania

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, si uu uga qayb galo Shirweynaha Tamarta Afrika ee “Mission 300”, oo maanta furmay. Shirkan oo sanadkan ku saleysan Dardargelinta Helitaanka Tamarta la jaanqaadi karta Horumarka Waara ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda…

Read More