Cali Jeyte oo sheegay inay dileen al-Shabab badan oo ay ajaanib ku jiraan

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cusmaan ayaa kka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Khawaarijta looga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Cali Jeyte warbaahinta furimaha dagaalka ugu waramay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka, nabad sugidda Qaranka, ciidamada Hiil Walaal iyo xoogagga dadweynaha oo iskaashanaya…

Read More

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay oo Muqdisho ku kulmay

Ka dib booqasho uu Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ku tagay guriga Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble manta 1 Febraayo 2025, labada mas’uul ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay guriga Raysal wasaaraha. Labada mas’uul ayaa salaan kadib iska  xog-wareystay marxaladda guud ee dalka iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka dalka, gaar…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab xiriri la leedahay Xuutiyiinta Yemen

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu ka dhaxeeyo xiriir weeyn oo toos ah, taasoo sahashay in labada dhinac tababarka iyo hubka is-dhaafsadaan, iyagoo khatar ku ah amniga Badda cas iyo gobolka Geeska Africa. Madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in…

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Samatar, ayaa maanta daah furtay kulan ku saabsan xaqiijinta hindisaha afraad ee Qorshaha Caalamiga ah ee Kala Duwanaanshaha Noolaha (GBF-EAS). Kulankan, waxa uu diiradda saarayaa ansixinta warbixinta mashruuca iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha muhiimka ah. Agaasime Yuusuf ayaa ka hadlay himilooyinka Soomaaliya…

Read More

Puntland oo xaqiijisay duqeymo laga fuliyay Buuraha Calmiskaad inay ku geeriyoodeen dad shacab ah

Ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqayn diyaarado aan la aqoon ay ka geysteen deegaanka Sixna oo Koonfur kaga beegan degmada Qandala ee gobolka Bari. Goobta lagu beegsaday qoysaskan waxaa ku dhow togga Jaceel oo kamid ah farriisimaha ugu waawayn oo ay kooxda Daacish ku leeyihiin buuraha Calmiskaad. Guddoomiyaha degmada Qandala…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in Doorashada Golaha Degaanka ka qaban doonaan Gedo Iyo Khaatumo Bisha June

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo wareysi siinayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay inay asteeyeen ilaa 800 oo goobood ay doonayaan inay ka qabtaan Bisha June ee soo socota Doorashooyinka Golaha Degaanka, waxaana carabka uu ku dhuftay inta ugu badan Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay la kulmeen. Gudoomiyaha…

Read More

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka federaalka oo la kulmay Safiirka EU ee Soomaaliya

Cabdikarin Axmed Xassan, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaamineysay safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya haweeyneeyda lagu magacaabo Ambasador Karim Johansson, waxaana diirada ay saareen arrimaha u diyaar garowga Soomaaliya ee Doorashooyinka Qof iyo Cod. War kooban oo lagu daabacay barta Guddiga ee Facebook ayaa…

Read More