Maamulka Gobolka Banaadir oo Dardar Geliyay Dib-u-soo Celinta Bilicda Caasimadda iyo Furista Waddooyinka Roobabku Saameeyeen
Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si isdaba joog ah uga shaqeynaya soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho iyo furista waddooyinka muhiimka ah ee ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay kaabayaasha nololeed iyo isku socodka dadweynaha. Howlwadeenno ka tirsan Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda…