Al-Shabaab oo weli helaya dakhli boqolaal milyan ah oo kasoo gala gudaha dalka

MUQDISHO – Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda baarista amniga ee Insight Intelligence, ayaa daaha ka rogtay in ururka Al-Shabaab uu weli heysto awood dhaqaale oo xooggan, iyadoo lagu qiyaasay in dakhliga sannadlaha ah ee kooxdaasi uu u dhexeeyo $100 milyan ilaa $200 milyan. Warbixinta oo uu diyaariyay khabiirka amniga Elena Martynova, ayaa muujisay…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo ku Baaqay in Maxaabiista SSC Khaatumo Lagu Sii Daayo Shuruud La’aan

Hargeysa – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in xukuumadda Somaliland ay si shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista ay kaga hayso SSC Khaatumo, isagoo ku taliyay in aan loo xirin wax beddelasho ah oo ku saabsan maxaabiista Somaliland kaga xidhan Laascaanood. Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in arrinta sii deynta…

Read More

Wasaaradda caafimaadka oo dawo ku wareejisay ciidamada dagaalka al-Shabaab kula jira

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir, oo matalaya xildhibaannada deegaanada ay howlgalladu ka socdaan, kaalmo daawo ah oo loo qoondeeyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada deegaanka ee ka qeybgalaya howlgallada joogtada ah ee lagula dagaalamayo kooxda Khawaarijta. Kaalmadan daawo…

Read More

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday furimaha dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida

BAYDHABO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ku jira howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta. Madaxweyne Laftagareen ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, kuwaas…

Read More

Wasiir dowlaha Arrimaha Guddaha oo shir-guddoomiyay shirka Guddi Howleedka Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saadaad Aliyo, ayaa maanta guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee Guddiga Howlaha Farsamada ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda. Kulanka oo ay martigelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Faafinta Been Abuurka iyo Dacaayadaha Khawaarijta

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay warar been abuur ah oo si baahsan loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegayey in weerarro hoobiyayaal ah oo dhowaan ka dhacay Muqdisho lagu bartilmaameedsaday xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada. Wararkaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla…

Read More

Wasaaradda cadaaladda oo bogaadisay maxaabiista ay isdhaafsadeen Puntland iyo Somaliland

Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhawaysay isdhaafsiga maxaabiista ee dhawaan dhexmaray maamulada Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland. Tallaabadan ayaa timid ka dib dadaallo iyo dhexdhexaadin uu hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, taasoo salka ku haysay socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku…

Read More

Ma’awisleey commander urges relocation of Al-Shabaab families from Urban Areas

Mogadishu, Somalia – April 21, 2025 – The commander of Somalia’s Ma’awisleey community defense forces, Ali Jeyte Osman, has stirred controversy after calling for the relocation of wives and children of Al-Shabaab militants from government-controlled areas to territories still under insurgent control. In an interview with Radio Shabelle on Sunday, Jeyte voiced strong frustration over…

Read More

Soomaaliya: Wasiir Fiqi oo Sheegay in al-Shabaab iyo ISIS awoodoodii la wiiqay

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ku dhawaaqay in kooxda argagixisada ee Al-Shabaab si weyn loo wiiqay awooddooda kadib muddo laba sano ah oo howlgal militari oo ballaaran ay hoggaaminaysay dowladda Soomaaliya, laguna garab socodsiiyay istiraatiijiyado lagu beegsaday dhaq-dhaqaaqyadooda maaliyadeed iyo faafinta afkaarahooda…

Read More

Diyaarado Milatari oo Siday Ciidamo Turkey ah oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho – Labo diyaaradood oo ciidan ah oo ka yimid dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed oo Turkish ah. Diyaaradahan ayaa siday in ka badan 500 askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Turkiga. Wararka la helayo ayaa muujinaya in tirada guud ee…

Read More