Wargeyska

Dowladda FS oo la dagaalamaysa kalluumaysiga sharci darrada ah

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay madaxda iyo saraakiisha Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC), si uu uga warqaato xaaladda guud ee kalluumeysiga dalka iyo ilaalinta badda Soomaaliyeed. Shirkan oo ka dhacay xarunta FMC ee wasaaradda ayaa…

Read More

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si gaar ahna waxaa looga hadlay…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Ku Simaha Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Danjire Carsten Carlsen. Kulanka oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo qaran oo dhaxal-gal ah oo ay ka mid yihiin: dib-u-heshiisiinta dalka, dimuqraadiyeynta hay’adaha,…

Read More

Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka soo Horjeesatay Go’aankii Dowlad Goboleedka Puntland

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee ku saabsan hirgelinta nidaam aqoonsi gaar ah, taasoo ay DFS ku tilmaamtay mid baalmarsan sharciga, kuna ah xadgudub mas’uuliyadeed iyo mid ka dhan ah hab-raaca dowladnimada dalka. War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka…

Read More

Soomaaliya: Wasiir Fiqi oo Sheegay in al-Shabaab iyo ISIS awoodoodii la wiiqay

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ku dhawaaqay in kooxda argagixisada ee Al-Shabaab si weyn loo wiiqay awooddooda kadib muddo laba sano ah oo howlgal militari oo ballaaran ay hoggaaminaysay dowladda Soomaaliya, laguna garab socodsiiyay istiraatiijiyado lagu beegsaday dhaq-dhaqaaqyadooda maaliyadeed iyo faafinta afkaarahooda…

Read More

Diyaarado Milatari oo Siday Ciidamo Turkey ah oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho – Labo diyaaradood oo ciidan ah oo ka yimid dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed oo Turkish ah. Diyaaradahan ayaa siday in ka badan 500 askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Turkiga. Wararka la helayo ayaa muujinaya in tirada guud ee…

Read More

Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Wanlaweyn – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo amni lagu xaqiijinayo ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbari Weyne. Howlgalkaan oo si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad, Guutada 7-aad ee…

Read More

Guddiga Doorashooyinka oo muddo dheeri ah ugu daray diiwaangelinta ururada Siyaasadda dalka

Muqdisho – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay muddada rasmiga ah ee diiwaangelinta ururrada siyaasadda dalka, kadib codsiyo rasmi ah oo uga yimid ururrada ku jira hannaanka dhammaystirka shuruudaha diiwaangelinta. War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in muddada diiwaangelinta la kordhiyay sagaal (9) maalmood, taasoo bilaabaneysa…

Read More

DFS oo si adag uga Hortimid Tallaabo uu Qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid qorshe uu maamulka Puntland ku sameysanayo aqoonsi gaar ah oo u dhexeeya dadka kunool deegaanada maamulkaas. War-saxaafadeed rasmi ah oo ay wasaaraddu goor dhaw soo saartay ayaa si cad loogu cambaareeyay tallaabada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku…

Read More

Khaatumo oo Shaacisay Cida Fulisay Dilkii loo Geestay Faarax Ceydiid

Laascaanood – Maamulka Khaatumo ayaa si rasmi ah uga hadlay dilka sargaal amni oo katirsanaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe, kaasoo habeen hore meydkiisa laga helay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), ayaa si naxariis-darro ah loo dilay, iyadoo meydkiisa lagu arkay calaamado cad oo…

Read More