MARAYKANKA OO DHIMAYA AWOODDA SAFAARADDIISA MUQDISHO ISLA MARKAANA XIDHAYA SAFAARADO KALE OO BADAN – CNN

Washington – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay xidhayso ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay dalalka caalamka, sida lagu sheegay dukumeentiyo sir ah oo ay heshay telefishinka CNN, kuwaas oo laga diyaariyay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Xogta CNN ay heshay ayaa sidoo kale muujinaysa in dowladda Mareykanku ay si weyn…

Read More

MAREYKANKA OO DIIDAY INUU TAAGEERO MAALGELINTA QARAMADA MIDOOBAY EE CIIDAMADA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

New York – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay taageerto qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo hadda ka howlgala gudaha Soomaaliya. Go’aanka Mareykanka ayaa dhaliyay walaac weyn oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka caalamiga ah ee la dagaallama ururka Al-Shabaab. Diidmada Mareykanka ayaa imaaneysa xilli…

Read More

CIIDAMADA DOWLADDA IYO KUWA DEEGAANKA OO ISAGA BAXAY DEEGAANKA ABOOREY EE GOBOLKA HIIRAAN

Beledweyne – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in maanta ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka si ku-meel-gaar ah uga baxeen deegaanka Abooreey, halkaas oo ay maalmahan dagaallo culus kula jireen kooxda Al-Shabaab. Deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo Burde, ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay martigeliyay dagaallo xooggan oo…

Read More

MAXAA KA SOO KORDHAY DEGMADA AADAN YABAAL

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay subaxnimadii hore ee maanta si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Aadan Yabaal, kaddib weerar culus oo qaraxyo ku bilaabmay oo ay ku qaadeen gudaha degmada. Dagaalkan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu xooganaa ee ka…

Read More

 Somaliland oo gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii mudada u socday dowladda Soomaaliya

Hargeysa – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay jartay wadahadalladii muddo ka badan toban sano u socday ee ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay xadgudub ku tilmaantay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu toddobaadkan ku tagay magaalada Laascaanood. Go’aankan ayaa kasoo baxay fadhigii Golaha Wasiirrada…

Read More

RAYSAL WASAARE XAMSE OO BOOQDAY XARUMAHA DIIWAN GELINTA COD BIXIYEYAASHA

Raysal Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan-gelinta dadweynaha. Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Duqa muqdisho iyo ma’uuliyiin kale ayaa ku biiray muwaaddiniinta halkaasi iska diiwaan-gelinaysa. Mudane Xamsa ayaa sheegay in dadka maanta ay bacadka u taaganyiihiin in…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga. Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii…

Read More

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka al-Shabab

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo wado dardargelinta iyo abaabulka howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa booqday aagga Sumadaalle oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida iyo xaq-u-dirirka deegaanka. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa goobta kulan kula qaatay saraakiisha waxaana lagu gorfeeyay sida ay suuragal ku tahay duullaan mid ah oo lagu qaado…

Read More

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgashay xuska 70 Guurada shirkii Bandung ee Beijing

Beijing: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay shir caalami ah oo lagu xusayay 70 guurada Shirkii Bandung, kaas oo ka dhacay magaalada Beijing, ayna soo qabanqaabiyeen Akadeemiyadda Cilmiga Bulshada ee Shiinaha. Danjiraha oo la hadlaysay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday in ka badan…

Read More

DANJIRAHA SOOMAALIYA EE ETHIOPIA OO ADDIS ABABA UGA QEYB GALAY SHIR MUHIIM AH

Addis Ababa, Itoobiya – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa ka qayb galay kalfadhigii 24-aad ee aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika, oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa….

Read More