Guddiga Doorashooyinka oo muddo dheeri ah ugu daray diiwaangelinta ururada Siyaasadda dalka

Muqdisho – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay muddada rasmiga ah ee diiwaangelinta ururrada siyaasadda dalka, kadib codsiyo rasmi ah oo uga yimid ururrada ku jira hannaanka dhammaystirka shuruudaha diiwaangelinta. War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in muddada diiwaangelinta la kordhiyay sagaal (9) maalmood, taasoo bilaabaneysa…

Read More

DFS oo si adag uga Hortimid Tallaabo uu Qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid qorshe uu maamulka Puntland ku sameysanayo aqoonsi gaar ah oo u dhexeeya dadka kunool deegaanada maamulkaas. War-saxaafadeed rasmi ah oo ay wasaaraddu goor dhaw soo saartay ayaa si cad loogu cambaareeyay tallaabada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku…

Read More

Khaatumo oo Shaacisay Cida Fulisay Dilkii loo Geestay Faarax Ceydiid

Laascaanood – Maamulka Khaatumo ayaa si rasmi ah uga hadlay dilka sargaal amni oo katirsanaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe, kaasoo habeen hore meydkiisa laga helay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), ayaa si naxariis-darro ah loo dilay, iyadoo meydkiisa lagu arkay calaamado cad oo…

Read More

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti oo Muqdisho si Weyn loogu soo Dhaweeyay+SAWIRRO

Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa maanta marti-gelisay booqasho heer sare ah oo uu ku yimid Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ahna xubin ka tirsan Golaha FIFA, Mudane Suleiman Hassan Waabari, taasoo loo arkay tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa xiriirka isboorti ee gobolka Geeska Afrika. Mudane Waabari ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay…

Read More

Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay duleedka Jowhar

Jowhar – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Jowhar, oo ah caasimadda maamulka HirShabelle, kadib markii la arkay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugan agagaarka magaalada. Ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus oo laga…

Read More

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar ay Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyey weerar khawaarijta ay ku soo qaadeen fariisimo ciidanka ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, iyadoo la toogtay kooxdii weerarka soo qaadayo, waxaana socda howlgallo lagu sii baacsanaya firxadkii Khawaarijta Daacish. Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, iyagoo khaarajiyay khawaarijta…

Read More

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Beijing – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay xafladda Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha, oo si heer sare ah loogu qabtay Jaamacadda Caalamiga ah ee Luqadaha Shisheeye ee Beijing (BFSU). Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin sare oo caalami ah, kuwaas oo uu…

Read More

Soomaaliya: Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha 

Muqdisho – Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada golaha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo bisha Juun ee sanadkan 2025. Boqolaal qof oo ku dhaqan degmooyinkan ayaa si weyn isugu soo baxay xarumaha isdiiwaangelinta, iyagoo safaf dhaadheer u galay sidii ay…

Read More