Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Tababbar u furay Guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda
Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay wajiga labaad ee tababbarka guddi-hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee la xiriira hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda. Munaasabadda daahfurka tababbarka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu xoojiyay doorka muhiimka ah ee guddi-hoosaadyadu…