Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Wargaadhi
War-gaadhi, Shabeellaha Dhexe – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka War-gaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida iyo shacabka deegaanka ee xaq-u-dirirka u ah la-dagaallanka Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa kulammo la qaatay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo bogaadiyay geesinimada…