Golaha Wasiirrada oo Fadhi Gaar ah Ku Qiimeeyay Amniga Dalka iyo Diyaar-garowga Munaasabadaha Qaranka

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo kulankaasi lagu lafaguray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee dalka, isku-dubaridka hay’adaha amniga, iyo doorka bulshada ee xoojinta nabadda iyo xasilloonida. Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Si Rasmi ah ugu Dhawaaqay Furitaanka Gogosha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay gogosha Wadatashiga Qaran ee Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo lagu wado in ay si rasmi ah uga furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025. Gogoshan oo ah mid uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha, ayaa toddobaadyadii la soo…

Read More

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib markii uu ka helay casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay kulan miro-dhal ah la yeeshaan madaxda sare…

Read More

Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan. Danjiraha waxaa kulanka ku wehliyay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Mudane Cabdullaahi Siyaat, iyo u Qaybsanaha Arrimaha Ciidanka, Sareeye Gaas Maxamed Bariise. Kulanka…

Read More

Wasiirka Awqaafta XFS oo Ka Qayb Galay Shir Caalami ah oo Lagu Falanqeeyay Fududeynta Adeegyada Xajka

Jidda, Sacuudi Carabiya – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa maanta magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saaray fududeynta adeegyada Xajka ee sannadlaha ah. Shirka oo uu guddoominayay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga, Dr. Towfiiq…

Read More

Shirka Mucaaradka Dowladda oo ka furmay magaalada Muqdisho

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu shir-guddoominayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mustaqbalka siyaasadda, amniga, iyo doorashooyinka. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo furay…

Read More

Wafdi Ka Socday Ciidanka Özel Harekat oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Haramcad ee General Farxaan Qaroole

Muqdisho – Wafdi sare oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Xerada Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo wada-shaqeynta ciidamada khaaska ah ee labada dal. Wafdigan oo ka koobnaa saraakiil sare, ayaa…

Read More

Gobolka Banaadir oo yeeshay guddoomiye cusub 

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Arbaco ah, 28-da May 2025, wareegto rasmi ah ku magacaabay Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, iyada oo lagu saleeyey soo-jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta. Magacaabista Dr. Muungaab ayaa lagu…

Read More

Generaal Morgan oo goordhaw ku geeriyooday dalka Kenya

Nairobi – Waxaa galabta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Xirsi Morgan, oo horey u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Kacaanka Soomaaliya. Ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, iyagoo sheegay in Jeneraal Morgan uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, halkaasna uu ugu dambeyn ku…

Read More