Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kulan la Qaatay Wafdi ka Socday UNICEF
Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey’adda UNICEF ee Soomaaliya, Mudane Mads Oyen. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeegyada nafaqeynta carruurta, ballaarinta xarumaha keydka talaalka,…