Category: Wararka
Welcome

Sheekh Caan ah oo baaq culus u diray Mucaaradka dowladda Soomaaliya
Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Shabelle ayaa Xubnaha Mucaaradka ah ugu baaqay in ay Ururadooda ka diiwaangeliyaan Guddiga Doorashooyinka maadama sida uu tilmaamay uu dalka u jiheystay doorasho qof iyo Cod ah in dadka laga qeyb geliyo Masiirkooda. Sheekh Cali Wajiis oo la hadlayey Mucaaradka ayaa…

Ciidanka Jubbaland oo howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabab
Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwo la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsanaa toogashada ama madax jabiska. Howlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda New Kismaayo ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, halka mid kalena…

Somaliland oo Go’aamo la Xiriira Amaanka Kasoo Saartay Xaaladda Magaalada Ceerigaabo
Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag. Wafdi ka kooban xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta, oo loo xilsaaray xasilinta Ceerigaabo, ayaa go’aamiyey in ammaanka magaalada ay sugayaan oo kaliya ciidamada booliska, dhammaan ciidamada madaniga ahna laga saaro magaalada. “Wafdigii arrintan u xil saarnaa waxa uu go’aamiyey…

Senator Cabdi Qeybiid ” Hantidii shacabku shakhsi jeebkiis ayay ku dhacday”
Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dalka uu soo wajaho khatar aan horay loo arag oo ka dhalatay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib wareysi uu siiyay Tvga maxaliga ah SMS Soomaali Tv. Cabdi Qeybdiid oo su’aalo dhinac badan taabanaya…

Al-shabaab oo odayaal dhaqameedyo ka afduubtay Mandheera
Wararka ka imaanaya Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa xaqiijinaya in Shan ka mid ah Ugaasyada deegaanka la la’yahay ka dib markii sida la sheegay ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ka afduubteen degmada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee waqooyi bari Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Caaqiladaasi ay…

Madaxweyne Xassan Sheekh oo xuquuda u soo celiyay sarkaal hore darajada looga qaaday
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ku soo celiyey dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah. Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda…

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Safiirka UK kala hadlay dagaalka argagixisada
Shirka intiisi ugu badneeyd waxaa diirada lagu saaray arrimaha amaanka iyo la dagaalanka argagixisada iyo sida ay Dowladda Uk ubixin lahayd taageero dheeraad ah oo ku saabsan inay gacan ka gaysato tayeeynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Asad Diyaano ayaa Dawladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay Dowladda UK ay siiso Ciidanka Booliiska, waxaana uu ugu baaqay…

Ilhaan Cumar oo ka hadashay duqeyn diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Bari
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweysay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalkaas Donald Trump ee ah inuu amray duqeynta cirka ee lagu beegsaday hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya. War qoraal ah oo ay Xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay iney rajeyneyso in laga guuleysto kooxdaha…