Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro. Labada dhinac…