
Puntland oo Ka Digtay Inay Xirmaan Ku Dhawaad 100 Xarumo Caafimaad ah Sababo La Xiriira Dhaqaale Xumo
Garoowe – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in xaalad adag oo dhanka dhaqaale ah ay sababi karto xiritaanka in ka badan 100 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo horay u bixin jiray adeegyo aas-aasi u ah bulshada, gaar ahaan deegaanada baahida badan u qaba adeegyada caafimaadka. Wasiirka Qorsheynta Puntland, Mudane Daa’uud Bisinle, ayaa sheegay in 70 xarumood…