Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Caafimaadka XFS oo si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed. Dhismahan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka. Munaasabadda daah-furka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta…